Dalxiisayaal u dhashay Israa’iil oo lagu dilay Masar

Labo dalxiise oo Israa’iiliyiin ah iyo ninkii waday oo Masaari ah ayaa lagu toogtay magaalada loo tamashalaha tago ee Al-Iskandariya sida ay sheegtay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Israa’iil.

Askari boolis ah ayaa rasaas ku furay koox dalxiisayaal Israa’iiliyiin ah oo joogay magaalada, askarigu hadda wuu xiran yahay sida la soo weriyay.

Telifishanka Extra News ayaa isna ka soo weriyay il wareed dhinaca amaaanka ah oo aan la sheegin in uu jiro dhaawac qof kale gaaray.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo tobannaan sano ah oo Israa’iiliyiin loogu gaysto gudaha Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker