TAARIIKH DIGAYSAA SOMALILAND DULJOOGTA. SHAN BRIDGE BAA HORYAALA IYANA WAY ISKA HURUDDAA.

Isku darsigii Somaliland  iyo Somalia ee dhashay Somali Republic tii ku burburtay gacantii  Keligii  taliyihii Mohamed Siyad Barre waxaa  ka dambeeyey burbur kale oo is daba  jooga oo somalidii  gobolo  iyo reero usii  kala googoday oo meel weliba  Madaxweyne baanu samaysannay ay tidhi laakiin maamul walba  shisheeye iyo  wadamada jaarka ah ayaa ciidamadoodii soo geliyey hagaamadoodiina u carrab laalaadiyey inay meesha ku hayaan  wata abuurtay in wadamada jaarka at biliqaysataan bad iyo  berri  iyo Dekedoba arintaasi  way socotaa inkastoo Xukuumadda ferderal ka ah ee Mogadisho ka dhisnayd  at guulo badan ka  soo hoysay xagga  Siyaasada Debedda iyo xagga dhiska Ciidanka  qarankooda Mogadisho, xagga Hawada Somalia. MEESHA  waxaynu  ognay oo caalamka ogyey in  laba  wadan oo isku darsaday Sameeyeen Somali weyntii burburtay  waxan kaloo  dhan ee maamulo ahi  waa  qabiilo  gobolkoodii  is maamul ka samaystay  laakiin  marka Xukuumadda  Federalka  ah ay Caalamku la saftaan way burburayaan maxaa yeelay  caalamku ma rabo  mar dambe marin  biyoodka banda cas iyo  Indian  Oceanka  in budhcad badeed ku soo laabato. Hadaba wadankan la yidhaa  SOMALILAND  ee 1960 kii ay israaceen  Somalia  waxaa  horyaalla shan BRIDGE oo ay u baahan yihiin inay (Study) gareeyaan, fahmaan u midoobaan. Shantaa BRIDGE waan sheegi doonnaa laakiin  waxaa  mudan in la Xuso  in seddexdii  Madaxweyne  ee Silaanyo  ka horeeyey  in ay BRIDGE kii u horeeyey  ka gudbiyeen wadanka oo ay afarta  BRIDGE ee kale isa soo  hartaageen oo ay wadanka  meel wacan  soo gaadhsiiyeen laakiin  Xukuumaddii  Kulmiye  ee SILAANYO  hogaaminayey  waxay wadankii  dib ugu celiyeen BRIDGE kii  Ay Xukuumadii hore  wadanka ka soo  gudbiyeen ahaa  in wadanka la isku hayo, in ciidamo midaysan iyo gobolo midaysan iyo  doorashooyin xora iyo saaxiibo debedda ah iyo  nabad gelyo taama soo gaadhsiiyeen ayaa  siyaasaddii Silaanyo  ee Kulmiye  waxay  isku mashquulisay oo awoodda  saartay  wax cusub oo dadka iyo goboladu  ku kala soocmayaan oo dhaqaalihii  wadanka ayey  structure  cusub  oo dadka kala  soocaya u samaysay  oo ay u bixisay wax dhegaan la yidhaa maalqabeennaan abuurayaa figrad hunguri ah laakiin aan horuumar waxba ka taraynin u badan  oo ay u badantay waxa  laga sheegay sandaroor  SANDAROORO AH DADKA QAAR AQALO LA DHISTOO YAR YAR  IYO JAGOOYIN DAYR LAGU  WAREEJIYEY dayrar AAN DHAAFSIISNAYN kano  go’an Caafimaadkii wadanka, tacliintii caruurta,shaqo  abuurkii iyo wadooyinkii loo baahnaa.

Madaxweynaha Muse Biixi  si kastaba ha ku  yimaaddo Kursiga laakiin  waxyaalaha  uu kaga  duwanyey  Siilaanyo  waxa  weeye  horta  talada isagaa  gacanta  ku hayo oo maankiisa qaba oo had iyo jeerna ka hadla  mashaakilaadka  horyaala badankooda  ama faced ha ka ahaato ana si kale oo waana lala hadlaa intaasi  waxay muujinaysaa  inuu  is bedel ka samayn karo kala qaybsanaanta wadanka iyo qabaailka ay Xukuumaddii  SILAANYO ka xanuunsaday keentay xoolihii  dadka  qacanta  loo  geliyey  qaar wuu ku soo celiyey gacanta dawladda, waxaa rajo laga qabaa  inuu tirtiro cambaar cadka  SOMALILAND  ku yaalla  ee Jeegaanta  la baxday inuu  wadanka  ka tirtiro haddii kale Somali isagoo  SOMALILAND  cambaartaa iyo kala qaybsanaantaa leh ma hor fadhiisan karo.imika Somaliland nolosheedu waa iska (survival) sida ka xayaawaanka SAFARI PARK  u nool yihiin oo kale ah. Tusaale  marka  Xisbiga wadani yahay Harimacadka dheereeya Xukuumaddii Libaaxii la qaaday bay noqotaba intaasaa  adani ku meeraystaa
BRIDGE ka kale  waa in sheekadan madhalayska  ee isku  haysadka  gudaha ee Commission ka, Saami qaybsiga iyo wixii la mida ka gudbbaa, BRIDGE ka kale waa inuu reerkooda  ka warrejiyaa madaxa Ciidamada iyo Maxkamadda sare  oo cid  ummadda  kala  Saarta oo dhexa u dhiibaa.  Labada BRIDGE ee kale idiin sheegimaayo imika ee  waa (home work) Bulshada.
TAARIIKH DIGAYSAA SOMALILAND DULJOOGTA. HADDAY MAANTA XISAABTA HORTAAL KA INDHASAABTO SANDAREERO AQAL YAR IYO JAGO YAR OO LA DAYR DAYRO WAXAYNU KU DAMBAYN Mogadisho oo dagaalo,Maraakiib iyo dawlado horkacayaan iyo SOMALILAND oo Caaqilo bilaa siyaasadi horjoogaan.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker