Gantaalladii iyo duqeymihii ugu darnaa abid oo lagu garaacay Ukraine

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa ku soo warramaysa in milateriga ay fuliyeen labaatan duqeyn oo xaga cirka ah halka ay sidookale gantaallo ku garaaceen Ukraine iyagoo bartilmaamedsaday bariga dalkaasi.

Ilaa konton iyo koow qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen gantaallo uu Ruushka ku garaacay deegaanka Kupyansk, dadkaas oo badankood ka qeyg galayay aas loo sameynayay nin askari ahaa.

Dowladda Moscow weli si toos ah ugama jawaabin weerarka oo la sheegay in si ku tala gal ah loo fuliyay. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid laga naxo.

Mas’uuliyiinta Ukraine, waxay sheegeen in qoys kasta oo ku nool deegaankaas ay saameyn ka soo gaartay weerada isugu jira duqeymaha iyo gantaallada lagu garaacay.

Dagaal culus ayaa aaggaas ka dhacayay todobaadyadii u dambeeyay, iyadoo Ruushku isku deyaya inuu dib u qabsado dhul uu lumiyay sanadkii la soo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker