Raila Odinga oo su’aal galiyay ciidamada dalkiisu u dirayo Haiti

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa su’aal galiyay go’aanka dalkiisu ku hoggaaminayo howlgalka nabad ilaalinta ee Haiti si loola dagaalamo kooxaha burcadda ah ee halkaasi ka jira, isagoo ku tilmaamay arrintaa tilllaabo qaldan.

Mr Odinga, oo wareysi siiyay TV maxalli ah ayaa sheegay in booliska la qorsheeyay ee Haiti uusan ahayn mudnaanta Kenya, isagoo intaa ku daray in gobolka Bariga Afrika uu horay ula daalaa dhacayay “dhibaatooyin ku filan”.

“Kahor intaadan xitaa imaan Afrika, Haiti waxay ku taal albaabka Maraykanka oo ah waddanka ugu awoodda badan adduunka, maxay tahay waxa gaarka ah ee Kenya oo loo doortay inay hoggaamiso ciidamada caalamiga ah ee Haiti?” Odinga ayaa is waydiiyay.

Odinga ayaa sheegay in xaaladda Haiti ay tahay mid khatar ah, isagoo ka digay in ciidamada Kenya ee loo qorsheeyay halkaasi ay halis ku jiraan.

Haiti waa khatar, waxaana suurtogal ah in booliisku ay dhibaatooyin kala kulmaan halkaas,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Dhibaatada Haiti ka jirta waa mid siyaasadeed, uma baahna kaliya qori, waxay u baahan tahay wadahadal,” ayuu Mr Odinga hadalkiisa ku daray.

Isniintii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in loo diro muddo hal sano ah iyadoo dib u eegis lagu sameeyay sagaal bilood ka dib.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ballan qaaday “in aysan fashilmin dadka Haiti”.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka dhaleeceeyay arrintan ayaa shaki ka muujiyay awoodda booliiska Kenya ay u leeyihiin inay wax ka qabtaan kooxaha burcadda ah ee Haiti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker