Arrin Cumar Xasan Al-Bashiir ku saabsan oo Suudaan ka abuurtay jaha-wareer

Olole loo adeegsanayo garaad macmal ah oo la isaga dhigayo Cumar Xasan Al-Bashiir, hoggaamiyihii hore ee Suudaan, ayaa boqollaal kun oo daawasho ah ka helay barta TikTok, taas oo jahawareer dhanka internetka ah ku soo kordhisay waddankan ay burburiyeen dagaallada sokeeye.

Koonto qarsoodi ah ayaa baahisay waxa ay ku sheegtay ” siro iyo codad” uu leeyahay madaxweynihii hore ee Suudaan kaas oo la baahinayay ilaa dabayaaqadii Agoosto.

Bartaan ayaa la soo dhigay tobanaan farriimo codad ah – laakiin waa been abuur codadkaasi sida la sheegayo.

Bashiir, ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay dambiyo dagaal, waxaana xukunka ka tuuray xiidamada sanadkii 2019, iyadoon meel fagaare ah lagu arag muddo sanad ah, waxaana la rumeysan yahay inuu aad u xanuunsanayo. Wuxuu diiday eedaymaha loo jeediyay ee dambiyada dagaalka.

Walaaca ku saabsan halka uu ku sugan yahay ayaa sii kordhinaya hubanti la’aanta dalku uu ka jiro ka dib markii ay bishii Abril uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya militariga, hadda hogaanka haya iyo ciidamada kale ee RSF.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker