Ilhaan Cumar oo ka aarsatay xisbigii ka saaray guddi awood badan

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada Mareykanka oo ka mid ahayd xubnihii ka codeyay Kevin McCarthy afhayeenkii xilka laga tuuray ee Kongreska, ayaa barteeda X, ee horey loo oran jiray twitter ku daabacday qoraal ay tillaabadas uga falcelineyso.

“Kevin McCarthy wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu bartilmaameedsado awoodda haweenka, wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu qariyo dambiyadii shirqool ee Donald Trump,” ayay ku tiri qoraalka ay barteeda X, soo dhigtay.

Ilhaan oo ka tirsan xisbiag Dimuquraadiga oo ay siyaasadda isku hayaan xisbiga Jamhuuriga ayaa qoraalkeeda ku muujisay in ay sax ahayd tillaabada xilka looga tuuray Mr Kevin oo Jamhuuriga ka tirsan

Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo aqalka kongreska Maraykanka aqlabiyad ku leh ayaa saddexdii bishii Febraayo ee sanadkaan xildhibaanad Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalkaasi, taasoo muujineysay xiisadd ka dhex aloosneed aqalka gudihiisa oo u dhaxaysay labada xisbi.

Cod la qaaday ayey Ilhaan ku weyday xilligaas xubinimada guddigan oo ka mid ah hay’adaha ugu awodda badan ee hoggaamiya siyaasadda uu Mareykanku ku wajaho caalamka.

Aqalka Cad ayaa xilligaas sheegay in tillaabadaas ay tahay mid siyaasadeysan. Jamhuuriyiintuse waxay sheegeen in Ilhaan ay horey u samaysay faallooyin naceyb ku salaysan oo ka dhan ah Yuhuudda, taasoo loo sababeeyay tallaabada looga saaray guddiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker