Doon sidday 280 muhaajiriin ah oo soo gaartay jasiiradda Canary

Doon yar oo sidday 280 muhaajiriin ah ayaa soo gaartay jasiiradda Canary ee dalka Spain.

Doonta ayaa Talaadadii soo gaartay jasiiradda fog ee El Hierro, oo qiyaastii 380km (238 mayl) u jirta xeebaha galbeedka Afrika.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dadka doonta saarnaa ay asal ahaan ka soo jeedaan Afrikada ka hooseysa saxaraha waana tiradii ugu badneyd ee tahriibayaal ah oo hal mar yimaada jasiiradahaasi.

U gudubka jasiiradaha Canary waa mid ka mid ah waddooyinka ugu badan ee la isticmaalo uguna halista badan ee Yurub ku soo galaan muhaajiriinta ka imaanaya Afrika.

“Weligay ma arkin doon ay dad intaas le’eg la socdaan,” wariye iyo lataliyihii hore ee socdaalka Txema Santana ayaa ku sheegtay baraha bulshada ka dib markii Doonta uu yimid.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker