Kenya oo raaxada looga qaaday weerarro jabsasho oo dhanka internetka ah

Maamulka isgaarsiinta ee dalka Kenya ayaa sheegay in 12-kii bilood ee la soo dhaafay uu dalku la kulmay 860 milyan oo weerarro dhanka internetka ah.

Maamulaha ayaa sheegay in “tirada xajimiga weerarada soo noqnoqda” ee lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha macluumaadka muhiimka ah ee Kenya ay si aad ah u kordheen.

2017, Kenya waxa ay la kulantay 7.7 milyan oo weerar dhanka internetka ah.

Bishii Luulyo, weerar dhanka internetka ah oo caan baxay oo loo aaneynayo kooxda Ruushka ee xogaha jabsada kuwaas oo hulaabtay magaca Sudan ayaa jartay marinka in ka badan 5,000 oo adeegyo dowladeed oo internetka ah oo dalkaas ku yaal, oo ay ku jiraan fiisaha, baasaboorka iyo codsiyada leesanka wadista wadista gawaarida iyo cusbooneysiintooda.

Weerarku waxa kale oo uu curyaamiyay nidaamka tikidha tareenada onlaynka ah iyo wax kala iibsiga lacagta mobaylada.

Hay’adda Isgaarsiinta Kenya ayaa Isniintii sheegtay in 79% weeraradii la diiwaan geliyey 12-kii bilood ee la soo dhaafay ay sababeen dembiilayaal dhanka Internetka ah oo gudaha u galay nidaamyada kombuyuutarrada ee hay’adaha.

Sida laga soo xigtay khubarada, Kenya hadda waa dalka seddexaad ee ugu badan ee dambiilayaasha internetka ee Afrika ay bartilmaameedsadaan, marka laga reebo Nigeria iyo Koonfur Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker