Booliska Faransiiska Oo Qalabkooda Ku Daadinay Waddooyinka Iyo Sababta?

Ciidamada booliska ee ka howl gala waddanka Faransiiska ayaa waddooyinka ku daadiyay biraha gacmaha looga xidho dadka, waxayna dareemayaan “in loo geystay aflagaaddo” kaddib markii lagu eedeeyay inay ku dhaqmaan cunsuriyad, dadkana ku xad-gudbaan.

 

Waxay sidoo kale ka caroodeen amar ay dowladda uga mamnuucday inay dadka qoorta cadaadis uga saaraan gacmahooda (qofka oo intii gadaal laga istaago lagu ceejiyo gacanta oo ka laaban ilaa xusulka), taasoo keeneysa inay neefsashada ku adkaato.

Ciidamo mudaharaadaya ayaa maanta oo Jimce ah kolonyo gaadiid ah u kaxeystay waddada Champs-Élysées ee marta bartamaha magaalada caasimadda ah ee Paris.

 

Gawaarida ay wataan ayey ka shideen seeriga qeylo dhaanta ah iyo hoon dhawaaq dheer leh.

Waxay sheegeen inay kasoo hor jeedaan in lala simo booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, kuwaasoo uu dhawaan gacantooda ku dhintay George Floyd, waliba markii ay xidheen kaddib.

Geerida ninkaas oo kasoo jeeday Mareykanka madow ayaa cadho xoog leh ka abuurtay guud ahaan dunida, waxayna muharadaayo rabshado wata – oo looga soo horjeedo cunsuriyadda – ka dhalisay gudaha Mareykanka iyo meelo kaleba.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker