Sunta dadka ka ilmeysiisa oo lagu tuuray siyaasiyiin ku sugan Madagascar

Wararka ka imaanaya Madagascar ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku tuureen musharrixiinta mucaaradka ah oo horkacayay dibadbax ka dhacay caasimadda Antananarivo.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka hor doorashada madaxtinimada ee bisha soo socota.

Kow iyo toban ka mid ah 13-ka musharrax ee madaxweynaha ayaa taageerayaashooda ku boorriyay inay u soo baxaan dhanka barxadda bartamaha magaalada, si ay uga mudaaharaadaan waxa ay ku tilmaameen afgambi hay’adaha dowlada ah oo uu taageerayo Andry Rajoelina oo hadda xilka haya.

Balse wariyayaal ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay kala eryeen dadkii isku soo baxay ka hor inta aysan gaarin halkii ay u socdeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker