Maxkamad dhageysaneysa kiis ku saabsan sharciga Uganda ee dadka isku jiinsiga ee isu galmooda

Maxkamadda dastuuriga ee dalka Uganda ayaa bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah sharciga dadka isku jiinsiga ee isu galmooda oo laga dhaqan galiyay dalkaas, bishii May ee sanadkan, kadib markii uu saxiixay madaxweyne Yoweri Museveni.

Sharcigaas ayaa ciqaab adag ku soo rogaya dadka isku jiinsiga ee wax iska doona, waxaana kamid ah in qofkaas lagu fuliyo xukun dil ah. Waxaana kaba sii daran hadii qofku galmo ku qasbo carruurta iyo dadka nugul.

Dadka gudbiyay dacwaddan, oo isugu jira kooxo shakhsiyaad ah iyo qaar kamid ah ha’yadaha u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa ku doodaya in sharcigaas la meel mariyay iyadoo aan laga wqeyb gelin dadka shacabka ah isla markaana uu ku xad gudbayo xuquuqda xornimada iyo dastuurka.

Tallaabadan ay Uganda ku ansixisay sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ee isu galmooda, ayaa waxay sababtay in qaar kamid ah waddamada reer galbeedka ay joojiyaan kaalmihii dhaqaale ee ay siin jireen dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker