Denmark oo lagu Xidhay Dadkii ka danbeeyay Dilka Dhalinyaro Sweden kasoo jeeda

Mudo Sadax  todobaad  kahor waxaa Caasimada  Copenheganee    Denmark lagu dilay dhalinyaro kasoo jeeda dalka Sweden kuwaasi oo rasaas lagu furay gaadhi ay wateen.

 

Dilka ayaa la xidhiidhay  Khilaaf ka dhaxeeya kooxaha iskahorjeeday  sida warbaahinta gudaha soo bandhigeen waxana xiligaasi kadib socday baadhitaan la xidhiidha falkaasi ka dhacay   Copenhegan gaar ahaan qeybta soo xigta dhanka Sweden.

 

Sida uu Qoray Joornalka Expressen. waxaa gacanta lagu dhigay ku dhawaad 3 qof oo la aaminsan yahay in ay ka danbeeyeen dilka loo geystay dhalinyaradaasi dhawaan lagu dilay Waqooyiga  Copenhegan.

 

Xidhitaanka sadaxda qof ayaa timid kadib xidhiidh  wadajir ah ay sameeyeen Booliska Sweden iyo kuwa Denmark oo la socday Dilalka dhacay iyo khilaafka u dhaxeeya kooxaha gangiska oo socotay mudo dhoor sano ah.

 

Xigasho/Expressen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker