Racfaan laga qaatay xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku bari yeeshay shan eedeysane oo ay ku jiraan labo Agaasime Guud oo hore

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunka Maxakamadda Gobolka Banaadir ay ka soo saartay 9 eedeysane oo kamid ahaa 11 eedeysane oo horey Xeer Ilaalintu dacwad uga soo gudbisay, taas la dhagaysanayay labadii bilood ee ugu dambeeyay.

Khamiistii ayay Maxkamaddu dambi ku waysay shan eedeysane, iyadoo lix kalena xabsiyo kala duwan ku xukuntay, kuwaas oo loo haystay eeddo ay kamid ahaayeen Musuq-Maasuq iyo Xatooyo Xoolo Dadweyne.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu si horudhac ah u dhamaystiray habraaca Racfaan ka qaadashada xukunka dhacay 28 kii bishii hore ee Sebteembar.

In kastoo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dambi ku waysay shanta eedeysane, isla markaana ay amartay in jeelka laga sii daayo, ayaan illaa hadda taasi dhicin, waxayna wali ku jiraan xabsiga sida ay illo wareedyo kala duwan sheegeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker