Mareykanka oo Serbia ku booriyay inay ciidamadooda kala baxaan xudduudda Kosovo, iyadoo xiisadda ay sare u kacday

Maraykanka ayaa ku boorinaya Serbia inay dib uga laabato waxa uu ku sheegay inay ciidan badan ku daabulayaan xuduudka uu dalkaasi la wadaago Kosovo.

Bilihii la soo dhaafay, waxaa sare u sii kacayay xurgufta u dhaxaysa qowmiyadaha tirada yar ee Kosovo ee Serbiyiinta iyo bulshooyinka Albania oo u badan halkaa.

Iyadoo laga jawaabayo “xaaladda hadda jirta”, UK waxay sheegtay inay u dirayso ciidammo si ay ugu biiraan howlgalka nabad-ilaalinta Nato ee halkaas ku sugan.

Isbaheysiga militariga ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kordhiyaan ciidamadooda ka dib iska horimaad ka dhacay guri keniisad ah oo ku yaala waqooyiga Axadii lasoo dhaafay halkaas oo ay ku dhinteen afar qof

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker