Magaalada NewYork oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay

Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay magaalada New York iyadoo duufaano xooggan ay keeneen daadad waddooyinka xiray.

Qaar badan oo ka mid ah nidaamyada tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada, iyo waddooyinka waaweyn ayaa daadadka gaareen, halka ugu yaraan hal terminal oo ku yaal Gegida Diyaaradaha ee LaGuardia la xiray Jimcihii.

Ilaa 8in (20cm) oo roob ah ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah magaalada, waxaana la filayaa in dhowr inch oo kale jimcaha xili dambe, sida ay sheegeen waxda saadaasha.

“Tani waa duufaan khatar ah, oo nafta halis gelinaysa,” ayay tiri Badhasaab Kathy Hochul. “Waxaan ku dhawaaqayaa xaalad degdeg ah guud ahaan magaalada New York, Long Island, iyo Hudson Valley sababtoo ah roobabka aadka u daran ee aan ku aragno gobolka oo dhan,” ayuu Gov Hochul ku yiri X, oo hore loogu yiqiin Twitter.

Waxay dadka ku boorisay inay qaadaan tillaabooyin ay ku ilaalinayaan ammaanka oo “aysan isku dayinna inaad ku safrataan waddooyinka daadku qaaday”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker