Shanta dal ee taageeray codsigii Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan farriin la xiriirta dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo howlgalka ciidamada Midowga Afrika u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, codsigaas oo ah in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidammadii Nabad Ilaalinta u joogay Soomaaliya, oo muddooyinkii u danbeeyey si qayb qayb ah uga baxayey guud ahaan fadhiisimmadii ay ku lahaayeen dalka.

Danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay taageerayaan codsiga dowladda Soomaaliya ee ah la hakiyo ka bixitaanka ciidamada Atmis ee Soomaaliya kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka.

Sidoo kale, waddamada kala ah Kenya, Itoobiya, Uganda, Djibouti iyo Burundi ayaa qoraal wadajir ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku taageerayaan codsigii Soomaaliya ee in bixitaanka ciidanka ATMIS dib loo digo muddo 90-maalmood ah.

Sida ku cad jadwalka dhimista, ilaa 3,000 oo ciidamada Atmis ah ayaa lagu waday in ay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka bishan, iyo in dhammaan ciidankaas ay ka baxaan dalka bisha December 2024-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker