Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay wasiirkii hore ee Suudaan
Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Suudaan Cali Karti iyo labo shirkadood – oo mid ka mid ah uu fadhigeedu yahay Ruushka – oo uu ku eedeeyay in ay wax u dhimayaan nabadda Suudaan.
Mr Karti, ayaa kasoo shaqeeyay dowladdii xukunka laga tuuray ee Cumar Al-Bashiir, waa hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan taageersan.
“[Karti] iyo saraakiishii hore ee taliskii hore waxay hadda caqabad ku yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin u dhexeysa Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF),” ayay Waaxda Maaliyadda ku tiri hadal ay soo saartay.
Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan ayaa ka jawaabay oo ku tilmaamay cunaqabateynta mid โCalaamad Sharafeedโ ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Sidoo kale waxaa cunaqabateynta lagu soo rogay GSK Advance Company, oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Suudaan oo ay Hanti-dhowrku sheegtay in loo isticmaalay wadiiqo ay kooxda RSF wax ku soo ibsadaan.