Kabaha ugu qadiimsan Yurub oo la soo helay

Seynisyahanada ayaa soo bsaaray kabaha ugu qadiimsan Yurub oo la yiraahdo sandals woven, kuwaas oo laga sameeyay caws oo loo maleynayo inay jiraan ku dhowaad 6,000 oo sano.

Waxay ka mid ahaayeen waxyaabo qadiimi ah oo laga helay godka fiidmeerta oo ku yaala dalka Spain ka dib markii ay bililiqeysteen kooxo macdan qodayaal ahqarnigii 19-aad, balse waxaa lagu falanqeeyay daraasad cusub.

Heerkulka gudaha godkaas oo qaboobaa ayaa gacan ka geystay inaysan dhamaan kabahaas.

Cilmi baarayaasha ayaa sidoo kale soo bandhigay dambiilo iyo qalabyo kale oo ay ka soo saareen godkaas.

Qaar kamid ah agabyada kale ee laga soo helay godkaas ayaa halkaas yaalay in ka badan 9,000 oo sano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker