DEGDEG: Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika oo ku dhawaaqay waddanka marti-gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 iyo 2027

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika, Patrice Motsepe, ayaa hadda ku dhawaaqay waddanka marti-gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 iyo 2027 (Afcon).

Sida la filayay, tartanka 2025 ayaa lagu qaban doonaa Morocco.

Waxa ay noqon doontaa markii labaad ee dalka kuyaalla waqooyiga Afrika uu martigeliyo tartanka isagoo markii ugu horeysay qabtay 1988.

Dalalkii kale ee 2025 (Algeria, Zambia iyo Benin / Nigeria bid) ayaa dhamaantood ku heshiiyey inay tartanka kabaxaan taas oo keentay in Morocco ay qaadato.

Waxa ay Morocco u ogolaan doontaa fursad weyn oo ay ku keeni karto Koobka Adduunka Afrika 2030ka taasoo qayb ka ah dalabkooda wadajirka ah.

Koobka Qaramada ee 2027 ayaa lagu abaalmariyay tartan ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Kenya, Tanzania iyo Uganda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker