Maxay ka dhigan tahay khariiradda Bariga Dhexe ee Netanyahu kusoo bandhigay Golaha Qaramada Midoobey

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad ka hor jeediyay kalfadhiga 78-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, waxa uu ku saabsanaa rajada iyo saameynta ay ku yeelan karaan caadiyeynta xiriirka iyo nabadda dalalka Carabta, iyo doorka ay ku leedahay isbeddelka Bariga Dhexe.

Khariidadda uu muujiyay Netanyahu waxaa ka muuqday qayb cagaaran oo u uku tilmaamay waddamada heshiisyada nabada la leh Israa’iil ama ku hawlan wada xaajoodka lagu dhameynayo heshiisyada nabada ee Israa’iil.

Meelaha lagu daboolay cagaarka waxaa ka mid ahaa dalalka Masar, Suudaan, Imaaraadka, Sacuudiga, Baxreyn iyo Urdun.

Khariiradda ayaan gebi ahaanba muujin dhul Falastiin, taas baddelkeedana waxaa dhulkaas oo dhan lagu suntay midabka buluugga ah ee Israel tan iyo daanta galbeed iyo marrinka Qasa.

Wax yar ka dib khudbadii uu ka jeediyay Qaramada Midoobay, Netanyahu ayaa bartiisa X soo dhigay qoral sidan u dhignaaa: “Guusha ugu weyn ee nolosheyda ayaa ah inaan idiin dagaalamo idinka (Shacabka Israel) iyo dalkeena.”

Falanqeeyayaashu waxay u arkaan in falka Netanyahu uu dib u soo celinayo murankii sababay dhaleeceynta wasiirka maaliyadda ee Israel, Bezalel Smotrich, markii uu ku soo bandhigay maabka Israel Paris, laakiin u uku daray Jordan iyo dhulka Falastiiniyiinta, wuxuuna faallo ka bixiyay, isagoo leh: “Ma jiraan wax la yiraah Falastiin, waana hal-abuur male-awaal ah oo aan ka da’ weyneyn 100 sano. Taasi waxay dhalisay caro heer dadweyne iyo mid diblomaasiyadeed labadaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker