Dhinacyada isku haya Suudaan oo sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad joojin

Madaxa ciidamada Suudaan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la xaajoodo ciidamada ay is hayaan ee RSF, si loo soo afjaro dagaallada sokeeye ee dalkaas ka socda tan iyo bishii April.

Mar uu la hadlayay BBC-da oo uu ka qeyb galayay shirka Qaramada Midoobay ee New York, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in guulo laga gaari doono wada hadalada nabadeed ee socda.

General Al-Burhaan ayaa sheegay in uu ku dhiirraday in uu dagaalka ku guuleysto. Maalintii Khamiista, madaxa ciidamada RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo, ayaa isna soo saaray fariin muuqaal ah oo uu ku sheegay inuu diyaar u yahay joojinta xabadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker