Ninka loo haysto in uu sawir gacameed ku aflagaadeeyay Ra’iisul wasaare dal muslim ah

Nin Sawir gacmeedka sameeya oo caan ka ah Tuniisiya ayaa la sii daayay ka dib saacado badan oo ay booliska su’aalo weydiinayeen.

Qoyska Tawfiiq Cumrane ayaa sheegay in loo sheegay in ay qasab tahay in uu ka soo qeyb galo dhageysiga maxkamadda Tunis todobaadka soo socda.

Omrane ayaa la xiray Khamiistii ka dib markii lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay ra’iisul wasaaraha Tunisia, Axmed Hachani oo sawir gacmeedk uu sameeyay uu ku jiray.

Mr Hachani waxaa magacaabay madaxweyne Kais Saied, kaas oo la wareegay ku dhawaad ​​dhammaan awoodihii fulinta ee Tuniisiya laba sano ka hor.

Mr Omrane ayaa sawir gacmeedkiisa aad ugu dhaliilaa madaxweynaha.

Dadka u ololeeya mucaaridku waxay xarigiisa u arkaan weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaado xoriyatul qawlka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker