Shaqo joojin looga dhawaaqay xerada Jenin ee Daanta Galbeed
Shaqo joojin guud ayaa looga dhawaaqay magaalada Jenin ee daanta galbeed kadib markii xalay ay ciidamada Israaโiil ku dileen afar qof oo falastiiniyiin ah.
Milateriga Israaโiil ayaa sheegay in ay qaadeen weerar naadir ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, intii lagu guda jiray waxa ay ku tilmaameen hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada ee xerada qaxootiga.
Waxay sheegeen in rasaas xooggan ay ka dhacday xerada Jenin, oo ah meel ay fadhiisin u ah maleeshiyaad Falastiiniyiin ah.
Weerar kale oo ay Israaโiil ka geysatay magaalada Jericho ayaa waxaa ku dhintay wiil dhallinyaro ah oo Falastiini ah, mid kalena waxaa lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay marinka Qaza.