Xisbiga Zanu-Pv Ayaa ku guuleystay Natiijada Hordhaca ah Ee doorashooyinka Wadanka Zimbabwe.

Xisbiga talada haya ee Zanu-Pv,ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Baarlamaan ee ka dhacaya dalka Zimbabwe.

Xisbigaasi ayaa helay 109 kursi ,taasoo caddeyneysa in  ay heysataan aqlabiyad sida laga soo xigtay guddigga doorashooyinka dalkaasi.

Xisbiga mucaaradka ee dhaqdhaqaaqa Isbadalka Dimoqraadiga (Movement for Democratic Change (MDC),ayaa helay 41-kursi,halka aan weli la shaacin 58-kursi,sida ay wariyeen guddigga doorashooyinka.

Tartanka doorashada dalka Zimbabwe ayaa bilaabatay maaliimadii Isninta ,waana marki ugu horeysay, muddo dheer oo uu xilka dalkaasi hayey  Madaxweyne Robert Mugabe, Kadib.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker