Koronto la’aan ka jirta magaalooyin ay Jigjigo ka mid tahay

Shirkadda quwadda korontada dalka Itoobiya laanteeda deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in korontadu ay ka maqantahay magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur.

Sababta keentay arrintaan ayaa shirkaddu ku sheegtay inuu go’ay xarigga korontada ee quwad sidaha una dhaxeeyay magaalooyinka Jigjiga iyo Harar.

Hadalka shirkadda ka soo baxay ayaa imaanaya iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay koronto la’aan yihiin dadweynaha ku dhaqan magaalooyin Jigjiga iyo Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka iyo waliba deegaannada ku dhowdhow.

Wakaaladda korontada ee dalka Itoobiya ayaana sheegtay in hadda ay socdaan dedaallo lagu xalinayo ciladda soo wajahday adeegga korontada ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kale waxaa magaalada Jigjiga ka jirta khaat la’aan, iyadoo wararku sheegayaan in arrintaas ay qayb ka tahay saameynta dagaalka ka socda xadka ay wadaagaan maamullada Sooomaalida iyo Oromada.

Jaadka ayaa deegaanka Soomaalida uga yimaada deegaanka Oromada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker