Booliska Maraykanka oo Fadeexado horleh Gacanta la Galay

Muuqaallo dhowr ah oo muujinaya gaboodfallada booliiska dalka Mareykanka ay u geysanayaan shacabka dalkaasi ayaa soo shaac baxay intii ay socdeen mudaaharaadyo Lagaga soo horjeedo dilka George Floyd oo ah Mareykan asalkiisa yahay Afrikaan.

 

Magaalada Buffalo, laba askari oo boolis ah ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya iyaga oo dhulka ku tuuraya nin oday cadaan ah.

 

Muuqaalkan ayaa muujinaya nin 75 jir ah oo u yimid askar ka tirsan booliska oo dhaqan gelinaya bandow lagu soo rogay magaaladaasi. Askartaasi booliska ah ayaa la arkayay iyaga oo dhulka ku tuuraya odeygaasi isla markaana madaxa ka garaacaya ilaa iyo inta uu dhiig dhagaha ka keenay.

Balse warbixin qoraal ah oo uu soo saraay booliska gobolkaasi ayaa lagu sheegay in odeygaasi uu kufay xilli ay rabshado dhex marayeen booliska iyo dad dibad-baxyo dhigayay, hadalkaasi oo ay ka dhalatay caro hor leh.

Dhanka kale, booliska magaalada Indianapolis ayaa baaraya ficillada askar ka tirsan booliska oo muuqaal laga dhex arkay iyaga oo garaacaya isla markaana rasaas dheemisha ah oo basbaas ka sameysan ku ridaya haweeney madow ah.

Warbixintan ayaa soo baxday saacado uun ka dib markii munaasabad duco ah loogu sameeyay Floyd magaalada Minneapolis oo ahayd halkii boolisku ay ku dileen.

Dilkaasi Floyd oo muuqaal laga soo duubay la baahiyay ayaa dhaliyay caro, wuxuuna sidoo kale kiciyay mowjado mudaaharaadyo ah oo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo sida xun ee booliiska Mareykanka ay ula dhaqmaan dadka Afrikaanka ah ee ku nool dalkaasi iyo guud ahaan caalamka oo dhan.

Bannaan-baxyadani oo socday siddeeddii maalmood ee la soo dhaafay ayaa badankood waxay ahaayeen kuwa nabadoon balse mararka qaar waxaa dhacayay rabshado, iyadoo bandow lagu soo rogay magaalooyin dhawr ah.

Muddaharaad ka dhacay magaalada Washington DC ayaa ciidamada ammaanka waxay qiiqa dadka ka ilmeysiiyo ku kala eryeen dad dibadbax ka dhigayay bannaanka hore ee Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, si madaxweyne Trump uu isugu soo sawiro kaniisad halkaa u dhow.

Presentational white space

Kooxda xuquuqda madaniga ah ee sida ururka xoriyadda madaniga ee Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo ACLU oo dhacdadaasi ka falcelinaya ayaa dacwad ka gudbiyey madaxweyne Trump, xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku eedeeyeen in ay ku xad-gudbeen xuquuqda dastuuriga ah ee dadkaasi dibad-baxayada dhigaya.

Dhanka kale, booliska Arizona ayaa shaaciyay macluumaad muujinaya dilka nin kale oo madow ah oo 25-ka bishii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Phoenix.

Muuqaalladani cusub ayaa ku soo beegmayo xilli dibadbaxyo xooggan ay gilgileen magaalooyin badan oo ka tirsan dalkaasi Mareykanka.

Khamiistii dhawayd ayaa la shaaciyay in dacwado cusub lagu soo oogayo dhammaan askartii booliiska ahayd ee shaqada laga ceyriyay ee ku lug lahaa dilkii ninka madow ee magaalada Minneapolis.

Dacwadda ka dhanka ah Derek Chauvin ayaa sare loo qaaday waxaana la gaarsiiyay dil darajada labaad ah, sida ay muujinayaan dukumiintiyada maxkamadda.

Saddexda sarkaal ee kale, oo aan horey wax dacwad ah loogu soo oogin, ayaa hadda wajahay dacwado ku saabsan kaalmaynta dilka.

Dhimashadii Floyd waxay dhalisay mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhacaya Mareykanka oo looga soo horjeedo cunsuriyadda iyo dilka booliisku u gaysanayaan dadka Madow ee Mareykanka ku nool.

 

alkaa u dhow.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker