Booliska Puntland oo ka hadlay dhakhtarkii lagu dilay Gaalkacyo
Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadlay dilka dhakhtar Sakariye Cabdi Jaamac loogu geystay goobtiisa caafimaad oo ku taal Gaalkacyo.
Dilka oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa lagu tilmaamay in uu yahay aano-qabiil. Waxa uu walaac ku abuuray dadka deegaanka, iyaga oo ay qaarkood isaga carareen magaalada cabsi ay ka qabaan in loo waxyeeleeyo aano qabiil.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Puntland ayaa BBC u sheegay inay weli wadaan baaritaanka. Waxa uu intaa ku daray inay aqoonsadeen dadka ku eedeysan dilka.
Eedeysaneyaasha oo sidoo kale kasoo muuqday muuqaal ay duubtay kaamirada Isbitaalka ayay boolisku ku sheegeen inay yihiin shan