Milatariga Soomaaliya oo sheegay in tobonnaan ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay weerarkii ay saaka ku soo qaadeen Awdheegle

Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa dagaal khasaare badan dhaliyay oo saaka ciidamada Dawladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha Miltariga Soomaaliya oo ay soo xiganaysay warbaahinta Dawladda ayaa sheegay in ka badan 20 dagaalame la dilay, iyadoo maydadka qaar ay wali yaalaan goobihii lagu dagaalamay.

Illo wareedyo madaxbannaan ayaa iyana BBC-da u sheegay in tiro ku dhaw toban askari ay ka dhinteen ciidamada Dawladda.

Sawirrada maydad la sheegay inay yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday degmada Awdheegle ayaa lagu baahiyay barraha bulshada.

Koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka dagaal ku qaaday degmada Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Kooxda weerarka qaaday ayaa dhawr jiho magaalada ka weerartay, iyadoo ciidamada dawladduna ay kala hor yimaadeen iska caabin xoog leh.

Dad ku sugan Awdheegle ayaa BBC-da u sheegay in dagaalku bilowday abaare afartii Aroornimo, isagoo socday dhawr saacadood.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay muddaba maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayeen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Dawladdu ay dib u waabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday, isla markaana ay ka dileen tiro aad u badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker