13 Askari Oo Faransiis ah Oo ku Dhintay Dalka Mali.

13 askari oo ka tirsan ciidamada Faransiiska ayaa ku dhintay dalka Mali kadib markii ay isku dhaceen laba diyaarad oo helicopter ah, xilli ay ku guda jireen howl-gal ka dhan ah jihaadiyiinta Islaamka ah ee Waqooyiga dalkaas, waxaa sidaas maanta sheegtay Madaxtooyada Elysee EE Looga Taliyo Dalka Faransiiska .

Xafiiska madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in shilkan uu dhacay habeenkii Isniinta, xilli ay ciidamadu dagaal kula jireen dagaal-yahanada Islaamiga ah, oo Waqooyiga Mali ka fuliyey weeraro badan oo dhimasho leh.

“Madaxweynahu wuxuu sida ugu xushmadda sareysa u xusuusanayaa Askartan oo noloshooda ku waayey howl-gal, una dhintay France darteed ayaga oo dagaal kula jira argagixiso,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Shilkan ayaa 38 ka dhigaya tirada askarta Faransiiska uga dhimatay dalka Mali, tan iyo markii ay faro-gelinta ku sameeyeen sanaddii 2013.

Faransiiska ayaa waxaa dalka Mali ka jooga 4,500 oo askari oo qeyb ka ah howlgal loogu magac daray Barkhane, oo ujeedkiisu yahay in lagu tababaro laguna dhiso ciidamo deegaanka ah, sidoo kalena ay kaga qeyb-galayaan dagaalka ka dhanka ah Jihaadiyiinta.

Wasiirka gaashnaadhigga Farnasiiska Florence Parly ayaa sheegay in baaritaan lagu billaabay waxa sababay shilka.​

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker