Ukraine wax lug ah kuma yeelan geerida la sheegay in uu ku dhintay madaxii Wagner Yevgeny Prigozhin, sida uu madaxweyne Volodymyr Zelensky u sheegay wakaalada wararka ee Interfax-Ukraine.
“Waxba shaqo kuma lihin. Qof kastaa wuu garanayaa cidda ku lugta leh,” Zelensky ayaa sidaa laga soo xigtay isagoo u warramayay saxafiyiinta.