Gudoomiyaha Baanka Dhexe JSL oo Bulshada Ugu Baaqay in ay Qaataan Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka
Gudoomiyaha Baanka Dhexe JSL Caali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa maanta Kaadhka Codbixinta ka qaatay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL oo uu hore iskaga Diiwaangaliyay.
Waxaana uu bulshada weynta reer Somaliland gaar Dadka ku nool Gobolka Maroodi-Jeex ku baaqay in ay qaataan kaadhka codbixinta oo ay hadda socoto qaadashadiisu.