Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Gaadhay Magaaladda Adis-ababa Ee Xaruunta Dalka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Somaliland Dr Ciise Kayd, Ayaa Tagay Magaaladda Adis-ababa Ee Xaruunta Dalka ETHIOPIA.

Tagitaanka Caasimadda ETHIOPIA Ee Adis-ababa Ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Kayd, Ayaa Hor-dhac u ah Wefti Uu Hogaamin Doonno Madaxweyne Biixi Oo Maalmaha Soo Socda Safar Ku Tagi Doono Dalka ETHIOPIA, Kadib Marti Qaad Uu Ka Helay Raysalwasaaraha Dalka ETHIOPIA Dr Abiya Axmed Iyo Dalalka Urur Gobolleedka IGAD.

Tagitaanka Uu Madaxweyne Biixi Ee Xaruunta Midowga Afrika Ee ETHIOPIA, Ayaa  La Xidhiidha Muranka Siyaasaddeed Ee Somaliland Ka Jira Oo Ay Dawladda ETHIOPIA, Dalalka Gobolka Ku Yaalla Iyo Dublamaasiyiinta Dalalka Reer Galbeedka u Fadhiya ETHIOPIA Ay Kala Hadlayaan Madaxweyne Biixi Qabsoomidda Doorashadda Madaxtooyadda Ee La Filayo Inay Dalka Ka Dhacdo 13 ka November ee Sannadkan.

Sidoo kale Warar Hoose  ayaa  sheegaya  Safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Shaacinaya Inuu Arrimo kale Oo Xaasaasiya Ay Xukuumadda Abiya Axmed kala Xaajoon Doonno Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker