Daawo: Shir Muhiima oo Hargaysa ku Dhexmaray Wadamada Somaliland iyo Ethippia

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo Safar ku Yimi Somaliland .

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagaga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo  Ethiopia, sidii loo xoolin lahaa sugida amniga xuduuda labada dhinac.

 

Kulankaas ayaa Itoobiya waxaa uga qayb galay Hogaanka Nabadgalyada dowlad deegaanka Soomaalida Dr Xuseen Xaashi Qaasim, Taliyaha guud ee Ciidanka Xooga gaarka ah ee Liyuu Booliska, Wasirka Xafiiska Waraabka DDS iyo Taliye kuxigenka Ciidanka Difaaca Qaranka Bariga Itoobiya.

 

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kulankii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu kusoo dhamaaday Is af-garad buuxa, waxaana kulankaas qeyb ka ahaa Taliyayaasha Ciidamada kala duwa ee Somaliland iyo Wasiirka Gaashandhiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker