Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo maanta Ku Geeriyooday magaalada Hargeysa

Alle ha u naxariistee waxa magaaladda Hargeysa maanta ku geeryooday  Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kamid ahaa salaadiinta waaweyn ee Somaliland islamarkasna ahaa Suldaankii Guud Ee Somaliland.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo xilka saldanadda la wareegay sannadkii 1975-kii, isaga oo ku xigay Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ayaa  Kaalin weyn kasoo qaatay halgankii dib loogu xoreeyey dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena nabadayntii dalka iyo yagleelidii dawladdnimada Somaliland ayuu kaalin kasoo qaatay.

 

Waxa uu Suldaanku si weyn uga shaqayn jiray xasiloonidda dalka Somaliland iyo horumarintiisa oo uu door weyn kaga jiray mudadii uu xilka Suldaannimo hayey.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker