Gantaal Ruushku riday oo ku dhacay xarun dhiig bixin oo ku taala Ukraine

Gantaal nooca la hago ah ayaa ku dhacay xarun dhiig bixin oo ku taala woqooyiga bari ee dalka Ukraine sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dawladda, waxana ku dhintay labo qof, iyadoo afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha UkraineVolodymyr Zelenskyayaa bartiisa soo dhigay sawirka dhisme uu dab ka kacay kaddib weerarkii xalay ee Kupiansk oo ka tirsan gobolka Kharkiv.

“Kan kaligii ayaa ah dambi dagaal, waana gardarrada Ruushka,” ayuu yiri.

Ruushku kama hadlin dhacdadaas, horey ayuuna u diiday eedaymaha noocaas ah ee lagu bartilmaameed saday rayidka ama dambi dagaal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker