Amar La Dul Dhigay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Inta Doorashadu Socoto
Waxaa haatan si toos ah magaalada Garoowe ee Xarunta maamlka Puntland uga bilaabatay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana la dhageystay khudbadaha Musharaxiinta u taagan huddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas.
Kulanka baarlamaanka waxaa goobjoog ah 63-xildhibaan saddex mudane ayaana ka maqan fadhiga sida guddoonka goluhu uu shaaciyay,iyada oo ay tartamayaan saddex musharax.
Murashaxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baalamaankaWaxa ay kala yihiin
- Cabdi jamaal Cismaan Maxamed.
- Cali Axmed Saalax.
- Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa golaha ka hor sheegay in uusan jirin wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay samayn karaan mudanayaashu inta ay socoto doorashada guddoomiyaha lana xirayo albaabada hoolka doorashadu ka socoto.