Fanaanka Qamar Suugaani oo Markale Dib Loo dhigay Xukunkiisa

Hargeysa (OWN) – Waxaa maanta maxkamadda magaalada Berbera ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xidhay Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Fanaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska ee Somaliland.

 

 

Maxkamadda ayaa Amartay in fanaanka la sii Hayo muddo hal Todobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xidhnaa oo ku yaalla magaalada Berbera.

 

 

Sidoo kale xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in fanaanka loo heysto arrimo la xidhiidha Safarkiisa iyo Qaabkii uu Kusoo Galay Dalka.

Maadaama uu Ka Yimi Dhan Somalia oo ah Dal Daris ah.

 

Xadhiga Fanaankan  waxaa aad u Cambaareeyey qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sugan magaalada Haregysa ee Caasimada Somaliland iyo ehelladiisa.

 

 

Aalaaba Dawladda  Somaliland ayaa xadhig kula dhaqaaqda fanaaniinteeda ku yimaada Dalkeeda Sifo aan Sharci ahayn .

Fanaanka ayaa sidoo kale lagu Eedaynayaa inuu ka Qayb galay

Bandhig Faneed lagu Qabtay Somalia gaar ahaanna  Muqdisho.

 

Xafladaas oo Lagu Aflagaadeeyay Qarannimada Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker