” Xisbullah waxaa heegan uggu jira 100,000 oo dagaal yahan …” Hassan Nasrullah

Xoghayaha guud ee ururka ka dhisan dalka Lubnaan ee Hizbullah, Hassan Nasrullah, ayaa ku eedeeyey taliyaha ciidamada Samir Geagea, inuu kicinayo naceyb ka dhex abuurma Muslimiinta iyo Kiristaanka, si uu uggu riixo dalkani dagaal sokeeye oo mar kale qarxo, ka gadaal markii iska hor imaad hubeysan uu ka dhacey magaalada caasimadda Beirut maalmo yar kahor.

Nasrallah ayaa ka dalbadey dhammaan qeybaha bulshada Lubnaan inay kahor tagaan gacan ku dhiig laha, waa sida uu hadalka u dhigaye, dambiilaha dhiigga u ooman, si loogga hortago inuu qarxo dagaal sokeeye.

Nasrallah ayaa kasoo muuqdey khudbad uu sii daayey Tv-ga Al Manaar ee Hezbollah, fiidnimadii isniinta, isaga oo uu ku hareereysan yahay sawirka toddobadii dhibbane ee lagu dilay dhacdooyinkii 14-kii October, isagoo leh “ciidamada Lubnaan ayaa bilaabey dagaalka, waxeyna geysteen xasuuq.“

Nasrallah ayaa ku dhawaaqeyintii uu wadey khudbadda iney jiraan tiro dagaal yahano ah oo diyaaru ah iney ka dagaalamaan safka xisbigiisa, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 100,000, marka laga reebo xulada iyo ururadaaan militaryga aheyn..

Tani waa makii ugu horeysay oo uu ururka Hizbullah sheego tirada dagaal yahanadiisa si guud. Wuxuu intaa ku darey xoghayaha in sababta uu shaaca ugga qaadey tirada dagaal yahanadooda iney tahay in haatan xaaladdu ay mareyso heer halis ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker