Dagaal mar kale ka bilowday Itoobiya

Dagaallo ayaa ka dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka.

Dadka ku nool magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo BBC-da la hadlay ayaa ku tilmaamay isku dhacyada hubaysan kuwa qasbay in la joojiyo duullimaadyadii diyaaradaha ee daagaanka.

Dhaqdhaqaaqayaasha xiriirka la leh meleeshiyaadka loo yaqaan Fano ayaa sheeganaya inay gacanta ku hayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada laakiin BBC ma aysan u suurtagelin inay si madax banaan u xaqiijiso sheegashada.

Dagaallo ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa ilaa ugu yaraan afar magaalo oo kale – kuwaas oo qaarkood ay dadka deegaanku ku tilmaameen “kuwo culus”.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Itoobiya Col. Getnet Adane ayaa u sheegay wariyaasha Talaadadii in ay “qaadayaan” tillaabooyin ka dhan ah “kooxaha hubaysan ee ku shaqeeya magaca Fano.”

Toddobaadki hore ciidamo safar ah ayaa lagu weeraray labo aag oo ka tirsan gobolka.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya wadooyin dhowr ah oo lagu xiray geedo iyo dhagxaan si loo xakameeyo dhaq dhaqaaqa ciidamada.

Ururka u dooda xuquuqda bulshada gobolka Amxaarada oo lagu magacaabo Amhara Association of America (AAA) ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen iska horimaadyo dhowr ah oo ka dhacay degaano dhowr ah, waxayna walaac ka muujiyeen ammaanka dadka rayidka ah.

Madaxweynaha gobolka Amxaarada Yilkal Kefale ayaa dhankiisa sheegay in xafiiskiisu u furan yahay in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha taagan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker