Caasimadda Burkina Faso oo rasaas laga maqlayo

Wararka ka imaanaya magaalada Ouagadougou ee xarunta dalka Burkina Faso ayaa sheegaya in saaka waabarigii la maqlay rasaas goos goos ah oo laga maqlayay saldhig ciidamada cirka ay ku leeyihiin bartamaha magaalada.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in xaaladda ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka, hase yeeshee wax faah faahin dheeraad ah lagama bixin sida wax u jiraan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay 10 bilood ka dib afgambi, kii labaad oo muddo sanad gudihiis ah ka dhaca dalkaasi oo dagaal kula jira kooxaha Islaamiyiin ah tan iyo sanadkii 2015-kii.

Waxa ay sidoo kale ku soo beegantay ku dhawaad todobaad kadib markii ay militariga rideen dowladii la soo doortay ee dalka deriska la ah ee Niger.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker