Axmed Muuse Biixi oo garaacay Nuuradin Maxamed Kaahin

Axmed Muuse Biixi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah ciidankiisa sirdoonka leexsan ayaa garaacay Nuuradin Maxamed Kaahin oo uu dhalay wasiirka arimaha gudaha somaliland.

Axmed Mawliid oo ka mid ah darawalada madaxtooyada somaliland lana socday ciidanka uu watay wiilka madaxweynuhu ayaa Nuuradiin Maxamed Kaahin ku bilaabay gacanqaadka ka dib markii ay isafdhaafeen Axmed Muuse taas oo keentay in ciidankii kalana gacanta saaraan.

falkan oo la qarinayey ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa, wasiir Maxamed Kaahin ayaana ku guuldaraystay inuu wax talaabo ah ka qaado garaaca iyo bahdilka loo gaystay wiilkiisa balse wararku waxay sheegeen in Nuuradiin iyo Axmed wakhti danbe lagu heshiisiyey Hotel-ka Summer Timer ee Haregeysa.

Si aanad u amban la soco bogan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker