Milatariga Niger oo uga digay wadamada gobolka iyo kuwa reer galbeedka fara galin ay ku sameeyaan dalkooda

Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa uga digay wadamada reer galbeedka iyo kuwa gobolka faro galin milatari oo ay ku doonayaan in dib talada loogu soo celiyo madaxweynaha xukunka laga qaaday.

War ka soo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in urur goboleedka Ecowas uu diyaarinayay sidii uu ogolaansho ugu heli lahaa “qorshe xad gudub oo ka dhan ah Niger”

Urur ka ay ku mideysan yihiin wadamada Galbeedka Afrika kama jawaabin eedda loo jeediyay. Waa kulan looga hadlayo afgambiga, kaas oo la cambaareeyay.

Dhinaca kale boqollaal qof oo taageersan afgambiga ayaa dibad bax ka dhigay dibadda safaaradda Faransiiska ee caasimadda Niamy, kaddib markii la joojiyay gargaarkii Faransiisku uu siin jiray wadankaasi.

Qaar kamid ah kuwa dibad baxayay ayaa ku qaylinayay “Ruushku ha noolaado”, “Putin ha noolaado”, “ ha dhaco Faransiisku”, sida ay soo werisay wakaaladda warrarka ee AFP.

Waxa jira warwar ku aadan in afgambigan uu Niger u dhaweeyo Ruushka. Wadamada dariska la ah Niger ee Burkino Faso iyo Mali ayaa aad ugu sii dhawaanaya Ruushka tan iyo markii afgambigu ka dhacay.

Gen Abdourahmane Tchiani oo ahaa madaxii ilaalada madaxtooyada Niger, haddana isku magacaabay hogaamiyaha Niger ayaa u digay wadamada Ecowas iyo wadamo aanu magacaabin oo reer galbeed ah inay talaabo qaadaan.

“Waxan mar kale ugu celinaynaa Ecowas iyo cid kastoo kale sida ay nooga go’an tahay inaan difaacno dhulka aabaheen,” ayaa lagu sheegay war laga akhriyay telefishanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker