Gabadhii waxbarashada u aadday Mareykanka ee iyadoo derbi jiif ah la soo helay

Muuqaal muujinaya gabar dhalinyaro ah oo jiifta mid kamid ah waddooyinka magaalada Chikago ee waddanka Mareykanka ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana sidaas yiri mid kamid ah hogaamiyeyaasha magaalada Heyderabad, Khalekar Rehman.

Gabadhan oo lagu magacaabo Minhaj Zaidi, oo ka soo jeedda Pkistan, ayaa indhaheeda ka muuqda inaanay maalmo seexan, waxayna sidookale u muuqataa inaanay cunto cunin.

Minhaj waxay sanadkii 2017-kii ka qalin jabisay kuliyadda Shadan, oo ku yaalla magaalada Hyderabad, iyadoo baratay cilmiga Computer Science.

Intaa kaddib, waxaa ay fursad waxbarasho ka heshay jaamacadda Trine ee dalka Mareykanka sanadkii 2021-kii, balse xaaladeeda caafimaad ayaa ahayd mid aan wanaagsaneyn labadii bilood ee la soo dhaafay, waxaana la arkay iyadoo waddada jiifta oo ay duruuf badan ka muuqato.

Qoyskeeda ayaa sheegay in aanay ogeyn waxa ku dhacay gabadhooda, balse waxaa la fahamsanyahay in gabadhan ay la soo daristay dhibaato dhaqaale isla markaana ay dareentay niyad jab weyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker