Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay burburisay gawaari iyo saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay ciidmada dowladda iyo saaxibada caalamka saaka ka fuliyeen gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduug ay ku burburiyeen saldhigyo iyo gawaari ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Waxaa ay sheegtay inay khasaaro xoog leh gaarsiisay kooxda oo ay burburiyeen ku dhowaad toban gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD, iyo afar Cabdibille oo ay sheegtay inay saarnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dowladda ayaa intaa ku dartay inay sidookale ay burburiyeen saldhig ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.
Weli lama shaacin khasaaraha soo gaaray labada dhinac.