Dal markii ugu horeysay muddo labaatan sano ah haweeney toogasho ku fuliyay

Singapore waxay maanta oo Jimce ah dil ku xukun dil ah ku fulisay haweeney, markii ugu horeysay muddo labaatan sano ah kaddib, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi.

Haweeneydan reer Singapore ee 45 sano jirka ah oo lagu magacaabo Saridewi Djamani, ayaa waxaa lagu helay dembi ah inay dhoofisay daroogada nooca heroine-ta oo dhan 30g (1.06oz) sanadkii 2018.

Waxay noqoneysaa qofkii labaad oo lagu helo dambi ah inuu darooga ka ganacsado oo dil lagu xukumo todobaadkan.

Singapore waxay kamid tahay dalalka ay ka jiraan sharciyada adag ee lagula tacaalo ka ganacsiga maandooriyaha, oo ay sheegtay in lagu badbaadinayo bulshada gaar ahaanna dhalinyarada.

Sharciga dalkaas ayaa dhigaya, in qofka lagu fuliyo xukun dil ah haddii lagu helo inuu dhoofiyo in ka badan 15g oo heroin ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker