82 jir loo xidhey lacagta adeegga qashin qaadista oo ay iska bixin weysay

Booliiska gobolka Alabama ee dalka Mareykanka, ayaa xabsiga dhigay haweeney 82 jir ah, kadib markii ay ku eedeeyeen iney bixin waysay adeegga kharashka qashin laga qaaday.

Martha Louis Menefield, ayaa sheegtay inay jaha wareersan tahay, markii ay saraakiishu katiinad ku xireen oo ay xireen Axadii.

Lacagta keentay in loo xiro, ayaa lagu soo waramayaa inay dhan tahay $77.80 (£63.28).

War qoraal ah oo uu soo dhigay Facebook-ga, booliiska magaalada Valley, ayaa sheegay inay si xushmad leh ula tacaamuleen kiiska Menefield, ayna dhowr jeer ku wargeliyeen inaysan bixin biilka muddo saddex bilood ah.

“Menefield si xushmad leh ayay saraakiisheenu ula dhaqmeen, iyagoo gudanahaya waajibaadkooda shaqo, waxaana lagu sii daayay dammaanad sida uu dhigayo sharciga,” ayuu Mike Reynolds, oo ah taliyaha booliika ee magaalada Alabama, ku yiri bayaanka.

Dadka ka yimid Alabama iyo guud ahaan dalka, ayaa ku dhaleeceeyay waaxda booliiska qeybta faallooyinka, ee ay Internet-ka ku leeyihiin.

“Qof walba oo door ka qaatay xiritaanka haweeneydan 82-jirka ah, deganna Alabama waa in lagula xisaabtamaa falkooda,” ayuu qoray Donald Watkins, qareen hore ee gobolka ku sugan.

Wareysi ay siisay CBS News, Menefield, ayaa waxay ku sheegtay falcelinteedii ugu horreysay markii labo sarkaal ay yimaadeen albaabkeeda 25-kii Nofembar ay ahayd wax lagu qoslo.

“Ma kaftamaysaan?” ayay waydiisay saraakiishii. Laakiin markii booliisku uu sharaxay iney u yimaadeen, si ay usoo xireen iyada oo ku saabsan biilka ayan bixin.

Mar kale Menefield waxay tiri iyadoo hadalka sii wadata, “Waan ka xanaaqay sababtoo ah ma garanayo sababta ay iiggu yimaadaan oo ay ii qabtaan.”

Mar aan katiinado ku xidhnaa, mid ka mid ah saraakiishii “nooc ka mid ah ayaa igu yidhi: ‘Ha ooyin”, ayay tidhi. Waxay soo xasuusatay iyadoo u sheegaysa sarkaal: “Sidee dareemi lahayd haddii ay yimaadaan oo ay qabtaan ayeeyadaa?”

Xarigeeda ka dib, ayaa waxa la geeyey waaxda booliiska, waxaana si ku meel gaar ah loo hayay, kahor inta aan lagu sii dayn dammaanad.

Reynolds, ayaanan si degdeg ah uga jawaabin codsi ay BBC-du u dirtay, oo ku saabsan bal iney ka hadasho dhacdada haleeshay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker