Madaxweynaha Puntland oo shaqa joojin ku sameeyay Taliyihii ciidanka Daraawiishta

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa si hoose shaqa joojin ugu sameeyay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Gaas Abshir London oo ku maqan dalka dibaddiisa.

Shaqa joojinta waxa ka horraysay in dhammaan xuquuqdii iyo mushaarkii laba Todobaad ka hor laga jaray Gen. London oo aan weli xilka laga qaadin.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale xaqiijinaya in dhawaan ciidan hubaysan u daateen guriga taliye Abshir London islamarkaana hub iyo agab ciidan ka qaateen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in khilaafka Siciid Deni iyo Abshir London uu markii hore ka bilowday hab-maamulka hoggaaminta ciidamada difaaca Puntland.

Intaas kadib Gen. London oo weli haya xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta ayaa dalka isaga baxay waxaana ugu danbayn laga joojiyay shaqadii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker