Africa oo mar kale wajahaysa afgembi

Ciidamada dalka Niger ee ku yaalla Galbeedka Africa, ayaa telefishanka qaranka dalkaas kaga dhawaaqay afgembi.

Waxay sheegeen inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.

Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, iyo ilaaladiisa.

Qaar kamid ah waddamada beesha caalamka ayaa dhaleeceeyay falkaasi afgembiga ee ka dhacay Niger, iyagoo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

Madaxweyne Bazoum ayaa ah xulafo muhiimka ah oo reer galbeedka ku taagera dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Galbeedka Afrika.

Laba waddan oo ay deris yihiin Niger, oo kala ah Mali iyo Burkina Faso, ayaa wajahay afgambi ay dabada ka riixayeen kooxaha jihaad doonka ah oo soo badanayay sanadihii u dambeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker