Diyaardaha dalal kala duwan oo qeyb ka noqonaya daminta dabka ka kacay Giriiga

Waddamada deriska la ah, ayaa diyaarad dab-damis ah u diray jaziiradda Rhodes, si ay u taageeraan adeegyada degdegga ah ee Giriigga ee wax ka qabashada dabka weyn, sida uu sheegay afhayeen u hadlay waaxda dabdemiska.

Diyaaradahan, ayaa ka kala yimid dalalka Turkiga, Masar iyo Croatia.

Afhayeenka koox dam damiska ah oo katirsan ciidamada dalka Giriiga, Vasilis Varthakogiannis, ayaa sheegay in sideed diyaaradood oo labo ka mid ah laga soo diray Turkiga, iyo mid laga keenay Croatia ay la tacaalayaan dabka ka kacay agagaarka tuulada Asklipeio.

Toban kale oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca – oo ay ku jiraan saddex ka yimid dalka Masar – ayaa sidoo kale taageeraya dadaallada lagu xakameynayo dabka weyn ee ka kacay jaziiradda Rhodes, ee qeybta ka ah dalka Giriiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker