Kalfadhigii 82aad ee Golaha Guurtida Oo Dib U Dhacay.

Furitaanka Kal-fadhiga 82-aad ee golaha guurtida Somaliland oo ku beegnaa maalinta berriya, ayaa dib loo dhigay sababo la xidhiidha Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu darteed.

Mudanayaasha golaha guurtida ayaa lagu war-galiyay inay ogaadaan dib u dhaca ku yimi furitaanka Kal-fadhiga 82-aad ee golaha, kaasi oo dib loo dhigay muddo hal maalin ah.

Kal-fadhiga 82-aad ee golaha guurtida ayaa furi doona maalinta Isniinta ah Haddii ALLAH idmo.

Warkan waxa noo xaqiijiyay xoghayaha guud ee golaha guurtida JSL, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker